Kulan lagaga hadlayo la dagaalanka Musuq maasuqa oo hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 21.Jan(SDN)
Gudoomiyaha Hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Md Axmed Muxumud Madar ayaa maanta tababar ku saabsan la dagaalanka musuqmaasuqa, socona doona muddo labo cisho ah u furay shaqaale ka hawlgla wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.
Gudoomiaye Madar oo kulankaasi ka hadlay waxuu sharaxaad ka bixiyey tababarkan oo ay hay’ad ahaan ugu talo galeen in lagaga faa’iidaysto sidii looga hortegi lahaa musuqmaasuqa oo uu ku tilmaammay mid ragaadiya isla markaana burburiyo horumarka ay samayn lahayd bulsho ka tirsan aadamugu.
Md madar waxa uu sheegay in musuqmaasuqu yahay midka ridi kara nadaam dawli ah, waxuuna ka digay in Somaliland oo ah dal yar oo soo koraya ay u baahan tahay in lagala dagaalamo musuqmaasuqa lana hagaajiyo haykalka dawladeed.
Hargaysa SDN.