|

Kulan lagaga hadlayay Xalinta Khilaafaadka ka dhasha Khayraadka dabiiciga ah oo Hargaysa lagu soo gabo gabeeyay

 

Hargaysa 28 Dec (SDN) Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Axmed Muxumed ayaa aqoon isweydaarsi ay ka qayb qaadanayeen Maddax dhaqameedyo iyo Xubno ka socda Qaybaha Warbaahinta waxa uu ugu soo gabo gabeeyay Xarunta Jaamacada Hargaysa.

Aqoon isweydaarsigan oo mudo sadex cisho ah ay ka qayb galayaashu ku qaadanayeen duruus la xidhiidha Xalinta Khilaafaadka ka dhasha Khayraadka dabiiciga ah sida Biyaha,Baadka iyo Deegaanka,waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada FCA.

Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Axmed ayaa sheegay sida ay u haboon tahay in xil la iska saaro wax ka qabashada khilaafka iyo muranada ka dhasha khayraadka dabiiciga ah,isagoo u mahadnaqay hay’ada soo agaasintay aqoon isweydaarsigan.

Muxiyadiin C.laahi oo ka mid ah Saraakiisha Hay’ada F.C.A, ayaa dhiniciisa ka sheegay in wixii ka soo baxay kulankan ay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh,gaar ahaan Xukuumada si ay bud dhig ugu noqoto ayuu yidhi Siyaasada Guud ee dawladu ku wajahayso xalinta Khilaafaadka.

Mas’uulkani waxa uu hoosta ka xariiqay in Cilmi baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen kow iyo sodon iska hor imaad oo dalka ka dhacay,ay afar iyo toban ka mid ahi ka dhasheen isku qabsiga Khayraadka dabiiciga ah,taas oo muujinaysa sida uu sheegay baaxada amni ee ay sababi karaan.

Gabo gabadii Xubno ka socday Cuqaasha iyo Suxufiyiintii aqoon isweydaarsigaa ka qayb gashay ayaa ku tilmaamay tababarkan mid wax weyn ay uga faa’iidayn karaan bulshada inteeda kale.

Hargaysa SDN

Comments are closed