|

Kulan ku Wajahan Diiwaangelinta Mihnadlayaasha Caafimaadka oo Hargaysa lagu Qabtay

Hargaysa 03.October 2013 (SDN)-Aqoon isweydaarsi socon doona muddo hal maalin ah ayna ka qayb qaadanayaan xirfadlayaasha caafimaad ee Reer Somaliland ujeedadiisuna tahay sida ay isu diiwaangelin lahaayeen xirfadlayaasha caafimaad ee dalka ku sugan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa.

shirka caafimaadkaAgaasimaha fulinta ee gudida heer Qaran ee Xirfadlayaasha caafimaadka oo furitaankii aqoon iisweydaarsigan ka hadashay ayaa sheegtay in kulankan oo ay ka qayb qaadanayaan afartameeyo ruux oo ka tirsan bahda caafimaadka looga dan leeyahay sida loo dhacsiin lahaa mihnadlayaasha caafimaadku inay noqdaan dad loo aqoonsan yahay xirfada ay ku shaqaysanayaan.

Marwo Luul waxa ay sidoo kale sharaxday qodobada lagaga wada hadlayo kulanka oo kala ah,sidii Golayaasha sharci ee dalka ka jira loogu bandhigi lahaa agabka ay gudidu ku shaqayso,In bulshadu aragtidooda ka bixiyaan qalabka ay gudidu ku shaqaynayso isla markaana laga wada hadlo,In daraasad laga sameeyo oo la soo ururiyo fikradaha ay dadku ka dhiibtaan shaqada qalabka iyo agabkooda

sidii loo xoojin lahaa wada shaqayn kasta oo ka dhexayn karta gudida iyo hay’adaha kale ee dawladda,Dhanka kalena aqoon isweydaarsigaa waxaa kaloo ka hadashaya Foosiya Maxamed Ismaaciil oo ahaa agaasimaha ururka kalkaaliyaasha iyo umulisooyinka somaliland waxana ay sheegtay in gudida xirfadlayaasha caafimaadku ay u taagan yihiin sidii loo heli lahaa xirfadlayaal caafimaad oo aqoontooda la hubo

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed