Kulan Komishanka Doorashooyinka Qaranku doonayeen inay la yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo oo baaqday
hargeisa(SDN/Qj.24.09.2014)Kulan ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku doonayeen in ay la yeeshaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa baaqday manta kadib markii uu saacado badan qaatay kulan Garnaqsi ahaa oo ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Salaadiinta Gobolka Awdal kuw ada yeesheen qasriga Madaxtooyadda.Lama oga ujeedada rasmiga ah ee uu daaranaa kulanka ay komishanka Doorashooyinku doonayaan inay la yeeshaan Madaxweyne Siilaanyo, hase yeeshee sida ay wararku sheegayan waxa uu la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka oo si weyn loo hadal hayo inay dib uga dhacayaan wakhtigooda.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumaddu toona wali go’aan kamay soo saarin doorashooyinka la hadakl hayo inay dib u dhacayaan, iyo muranka ka taagan soo kala horaysiintooda iyo wada qabashadooda oo maalmaahan Golayaasha iyo Axsaabtu murankeeda ku baahinayeen warbaahinta.
Sida muuqata se kala duwanaanshaha Afkaarta Golayaasha, Axsaabta iyo siyaasiyiinta ayaa u eg mid aan wali sal dhigin halka ay ku arroori doonto Natiijada dooda ka furantaya qabsoomida Doorashooyinka soo socda gaar ahaan kuwa Madaxtooyadda, iyo Baarlamaanja (Wakiiladda iyo Guurtidda).
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ayaa hore u shaaciyey inay doonayaan doorashooyinku inay ku qabsoomaan wakhtigooda, Halka Wadani uu ku doodayo inay korodhsiimo wado Xukuumaddu.
Xisbiga UCID ayaa isna ku doodaya in Doorashada Madaxtinimada Dib loo dhigo oo la soo horaysiiyo ta wakiiladda, arrintaas oo abuurtay in Xildhibaanada qaarkood weeraraan Aragtida Faysal iyagoo ku doodaya in mar la wada qabto ta Madaxtooyadda iyo Golaha wakiiladda ama ta madaxtooyadda la soo horaysiiyo.
Aragtida ugu badan ee taala goobaha lagu falanqeeyo mustaqbalka Doorashooyinka ayaa ishaaraya sababta ugu weyn ee Dibu-dhacooda keenaysaa inay tahay qabsoomid la’aanta labada Diiwaangelinood (ta Madaniga iyo ta Codaynta), kuwaas oo aan wali bilaabmin wakhtigii loo balansanaan dib u dhacay.
Doodaha caynkan ah ayaa kala cadaan doona marka ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinku kulmaan, taasoo soo af-jari doonta isla markaana mugdiga ka saari doonta doodaha u dhaxeeya daneeyayaasha Doorashooyinka.
SDN/Qj
Hargeisa/Office
Maxamed Aadan