|

Kulan hawleed ku saabsan Samaynta Siyaasada Faya dhawrka Qaranka oo Hargaysa ka furmay.

Hargaysa 28.Jan (SDN)  Kulan hawleed ku saabsan Diyaarinta  siyaasadda Faya dhowrka Guud ee Qaranka ayaa uga furmay magaalada hargaysa xubno ka kala socday Wasaaradaha  dawlada iyo  Madaxda Golayaasha deegaanka

Kulankan oo ay ka qayb qaadanayaan  Maayir ku xigeenada Dawlada Hoose  ee Gobolada dalka, xubno ka kala socday wasaarada caafimaadka, wax-barashada iyo Wasaarada Macdanta iyo Biyaha kulan howled ku saabsan  siyaasadda Faya dhowrka Guud ee Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka Mud,Cabdi Axmed Nuur, oo furitaanka kulan howled-kan oo socon doona laba maalmood ka hadlay,ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay  feya-dhowrka guud iyo sida ay lama huraanka u tahay  in la  helo qorshe loo raaco fulinta  siyaasadda  Faya-dhowrka Guud ee Qaranka.

Waxaanuu agaasimaha guud ee intaa raaciyey in ujeedada kulankan loo qabtay ay tahay  in laga soo saaro talooyinkii  lagu salayn lahaa dejinta Siyaasadda fayo dhowrka Qaranka. Waxaanuu xusay in dawladaha hoose ay kaalinta ugu weyn ku leeyihiin  fulinteeda.

Ku xigeenka Duqa caasimada Hargeysa  C/casiis Maxamed Xaashi  oo ku hadlayey magaca ka qayb galayaasha maayir ku xigeenada  dawladaha hoose  ee gobolada  dalka ayaa  isna sheegay, in ay muhiim tahay  in la helo siyaasad guud  oo loo raaco qorshaha  fayow-dhowrka, kaasi oo uu xusay in dawladaha hoose  ay leeyihiin  kaalinta ugu weyn ee fulinta  qorshaha siyaasadda guud ee  faya-dhowrka qaran.

Mud, C/casiis Maxamed Xaashi  ku xigeenka duqa caasimada hargeysa waxa uu intaa  ku daray in uu rajaynayo in kulan howleedka ay ka soo  bixi doonaan  qorshe gun-dhig u noqda  siyaasadda  fayowdhowrka Guud ee Qaranka.

Hargaysa SDN.

Comments are closed