|

Kulan hawleed ku saabsan fulinta Diiwaangelin Madani ah oo Somaliland laga samayn doono

Hargaysa Dec 19.2012 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cabdi-samad Cumar Maal ayaa maanta soo gabo gabeeyay kulan hawleed ku wajahan sidii loo samayn lahaa hanaan diiwaangelineed oo  madani ah.

Ahmiyada laga lahaa Kulankan ayaa salka ku haysay sidii loo samayn lahaa tirakoob guud, oo lagu ogaanayo inay ka soo baxaan tirada xaq u yeelan karta inay codeeyaan doorashooyinka soo socda.

Kulanka oo ay ka qayb gelayaan mas’uuliyiinta kala duwan ee wasaarada Arimaha Gudaha, aqoonyahano, madaxda xafiiska socdaalka, mas’uuliyiinta jaamacadaha dalka qaarkood iyo ururada wadaniga ah ee dhinacyada gargaarka iyo horumarinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdi Samad Cumar Maal oo ka hadlayay Xidhitaankii kulankaas oo socday mudo laba cisho ah ayaa tilmaamay sida ay daruuriga u tahay,in la helo diiwaan gelin ay bulshada Somaliland ku kalsoon tahay isla markaana aynu ku galno doorashooyinka inagu soo foolka leh,Agaasimaha Guud waxa uu intaas ku daray inay diyaariyeen dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta diiwaangelinta madaniga ah.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Madax ka tirsan Jaamacadaha Camuud iyo Hargaysa.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed