Kulan casho sharaf ah oo lagu maamuusayo sawir qaadaha caalamiga ah ee Somaliland Yuusuf Daahir iyo Engineer Maxamad Balayax – Guddoomiyihii labadii bannaanbax ee ugu danbeeyey ee ka dhacay London ayaa xalay lagu qabtay galbeedka London
London 23March14(SDN Kulan casho sharaf ah oo lagu maamuusayo sawir qaadaha caalamiga ah ee Somaliland Yuusuf Daahir iyo Engineer Maxamad Balayax – Guddoomiyihii labadii bannaanbax ee ugu danbeeyey ee ka dhacay London ayaa xalay lagu qabtay galbeedka London. Kulanka waxa ka soo qayb galay safiirka somaliland u fadhiya Uk kulankan ayaa waxa xidhiidhinayey Maxamad Cumar Maygaag ujeedadiisuna waxay ahayd aqoonsi, qadarrin iyo ixtiraam loo muujinayo waxqabadka labadaa muwaadin ee reer Somaliland ee tadawuca dalkooga ugu shaqeeya u ololaynta qadiyadda Somalilandna qaybtooda ka qaatay. xubnaha shirka ka soo qaybgalay ayaa warbaxin ka dhagaystay iyada oo uu hadalka si rasmiya Maxamad Cumar Maygaag u bilaabay munaasabadda isagoo sheegaya in ay Yusuf iyo Eng Balayax si gaar ah u saaxiib yihiin kuna faraxsanyahay casho sharafta loo sameeyey. Intaa ka dib xidhiidhiyuhu wuxuu hadalka ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK Cabdalla Saalim oo mahadnaq u soo jeediyey Eng Balayax iyo Yuusuf Daahir sheegayna in uu ka qayb qalay shirarkii labaddii bannaanbax ee uu Eng Balayax sida wacan u gudoomin jiray. Waxa isaguna ka hadlay munaasabadda Safiirka Somaliliand ee UK Mudane Cali Aadan Cawaale oo xusay muhiimada ay leedahay in la xishmeeyo dadka reer Somaliland ee dalkooga wax ku soo kordhiya. Safiirku wuxuu ku dhiiri galiyey Yusuf iyo Eng Balayax in ay dadaalkooga xagaa ka sii wadaan wuxuuna ka codsaday xubnaha firfircoon ee jaaliyadda ee kulanka ka soo qaybgalay in ay iyana xafiiska Somaliland ku xidhnaadaan lana shaqeeyaan.
Waxa soo gabagabeeyey shirka Eng Balayax iyo Yusuf Dahir oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyey xubnaha cashada soo abaabulay iyo inta ka soo qaybgashay kulanka. Balayax waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la isku duubnaado lana wada shaqeeyo marka qadiyadda Somaliland loo ololaynayo. Sawir qaadaha Caalamiga ah ee Yusuf Daahir oo Illaa sanadkii 2008 Somaliland sanad walba tagayey si uu sawiro dalkiisa uga soo qaado ayaa sheegay in sawirada dalkiisu u jecelyahay in uu caalamka soo gaadhsiiyo horumarka ay Somaliland samaysay.