kulan balaadhan isugu yimid dhamaan xubnaha xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee dalka finland , waxaanu ku qabsoomey magaalo madaxda dalka finland ee Helsink
London19March13 Kulankan oo ay ujeedadiisu aheyd sidii loo SAGOOTIN lahaa Gudoomiyah xisbiga ucid injineer Feysal Cali Xuseen oo safar shaqo ugu kicitimaya dalalka Sweden iyo Imaaraadka carabta IYO sidii loo soo dhaweyn lahaa xubno cusub oo xisbiga ku soo biirey oo ay ugu horeyso marwo Deeqa iyo sidii, .
Waxa ugu horeynba halkaa ka Hadley Gudoomiy ku xigeenka xisbiga UCID ee dalka finland Mudane Xasan Cumar oo shirka ka akhriyeyey Ajedaha shirka iyo kulanka nuxurkiisaba.
Waxa kale oo goobta erayo qurux badan ka soo jeedisey , gudoomiyaha garabka haweenka ee dalka finland marwo Zaamiya Sheekh Muuse oo sheegtey in xisbigu dhiic cusub yeeshey oo ay taheyna in sida ugu dhakhsaha badan xubnuhu isula jaan-qaadaan.
Waxa sidoo kale hadalo shareere iyo duur-xulba isugu jira kalanka ka jeediyey cawil c/laahi xayd afhayenka North yurubn ee xisbiga ucid noo sheegey in Engineer Faysal cali u dhimanayo wanaaga dadka Somaliland iyo sidii ay dawladnimada JAMHUURIYADDA SOMALILAND ay u taabo geli laheyd, waxaanu sheegey in in caruurtiisu aaney manta koonfur dhex mari Karin dariiqyada balse ay dadka kale oo dhami ay siday doonaan u socon karaan.
Waxa kale oo iyana hadalo qiimo badan madasha ka soo jeedisey Afhayeenka xisbiga ee finland marwo Shuun biixi ,iyadoo sheegtey in ay diyaar la yihiin dhamaan xoogii iyo xoolihii looga baahnaa dhamaan xubnaha xisbiga ee dalka finland.
Waxa isna hadalo tilmaan iyo isku duubnaan ah madasha ka dhawaajiyey Xildhibaan Feysal oo ka tirtsan golaha deegaanka ee magaalada Vantaa ee wadanka finland. waxa kalo madash hadalo guubabin iyo dhiir galin isugu jira halka kajeediyay madax ababulka iyo isku dubariidka mudane ismaciil ducale.
goobta shirku ka dhacayay ayaa aheyd aad qurux badan si fiicanna loo soo qaban qaabiyey,
Waxa gebo-gebadii meesha hadalo wax ku oola ku soo gunaanadey Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Deryeel UCID injineer Faysal Cali Xuseen, waxaanu ugu horeyn hamblayeey isku duubnaanta iyo midnimada xubnuhu muujiyeen , waxaanu soo dhaweeyey xubnihii cusbaa ee ku soo biirey xisbiga isagoo u rajeeyey in xisbigu u noqon doono xibigii ay kaga midho dhalin lahaayeen hankooda iyo himiladooda mustaqbalba.
Waxa uu gudoomiyuhu warbixin dheer xubnaha ka sii xaalada siyaasadeed ee dalku marayo isagoo ka dhawaajiyey in xisbigu maalinba maalinta ka danbeysa ay dadkii waxtarka bulshada u lahaa ay ku soo hoobanayaan haddana ay ku soo fool-leeyihiin masuulo qiimo badan oo dalka aad looga yaqaano in ay ku soo biiraan xisbiga.
Waxa uu kusoo gebogebeeyey in Somaliland qaranimadeedu lama taabtaan tahey cidna aaney ka yeeli doonin in ay hakad geliso sidii lagu xaqiijin lahaa gooni I su taaga JAMHUURIYADDA SOMALILAND.