|

Kulan ay berri yeelanayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Mucaaradku

Hargyesa (QJ)- Maalinta berri ah waxa la filayaa in magaalada Hargeysa uu ka qabsoomo kulan dhex mari doona madaxweynaha Somaliland iyo labada murashax madaxweyne ee xisbiyada mucaaradka ah, kadib dhex dhexaadin laga galay kulankooda.

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara labada dhinac kadib xiisadda ka taagan Somaliland markii ay cirka isku shareertay ee mucaaradku ay mudahraadka dhigeen, iyadoo la filayo in ay ka wada hadli doonaan arinta khilaafka keentay ee doorasahda ururada.

Kulanka ayaa ka mid ahaa qodobo ay isla qaateen madaxweynaha Somaliland iyo gudida dhex dhexaadinta kadib kulan ay Hargeysa ku yeesheen Salaasada maanta gelinkii hore, waxaana la sheegay in mucaaradku aqbaleen kulanka kadib shuruudii ay wateen oo la aqbalay ahaydna in lasii daayo masuuliyiinta ka xidhnaa.

Xukuumaddu waxay taagan tahay in doorashada ururada la galo inta ka horaysa doorashada madaxtooyada halka ay mucaaradku diidan yihiin in doorashada ururada la qabto ka hor doorashada madaxtooyada, arintaas oo sal u ah khilaafka Somaliland ka taagan.

Comments are closed