|

Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Oo Nicholas Kay Layeeshay Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland Iyo Ujeedada Uu Kulan Kani Daarnaa

 

Hargaysa 19/8/2014 (SDN/QJ)Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya Nicholas Kay ayaa maanta Kulamo Albaabadu u xidhnayeen La yeeshay Shirguddoonka golaha wakiilada iyo Guurtida somaliland.

Kulan kaasi ayaa markii uu soo dhamaaday waxa si wada jir a uga warbixiyay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay kala hadleen Xuduudaha somaliland,isla markaasna u sharaxeen xaalada Guud ee dalka somaliland ku sugan yahay”

“Ugu Horayn waxaanu ka wada hadalnay Golahan guurtida habkii uu usoo aas-aasmay iyo hawlaha uu qabto ee uu maan dhaydka u leeyahay,waxaanu u sheegnay maan dhaydka uu golahani Dastuurku siinayo,Shaqooyinka uu qabto iyo baahiyaha

golaha guurtidu tabayo ee u baahan in waxa laga qabto. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtida somaliland Siciid Jaamac Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Yidhi”“Waxa noo hadhsan kulan aanu anagu si gaar ah ula yeelan doono hadaanu nahay Beesha Harti,markaas wixii aan ka odhan lahaa Arrimaha somaliland ee bariga halkaas Ayaan ula hadhay.

“ka gole ahaan waanu u sheegnay waxa ay somaliland ku soo aas-aasmatay in ay tahay isku tanaasul iyo wada tashi,Waxaanan kala Hadlay arrimaha xuduudaha bariga iyo dhibaatooyinka ka jira iyo maamulo goboleedada yaryar ee hada la samaystay iyo somaliland mawqifka ay ka taagan tahay In ay suguto xuduudaheeda.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa waxa uu sheegay inaanay marnaba lasoo hadal qaadin ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya iyo somaliland Arrimaha doorashooyinka oo kusoo food leh somaliland.

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobay ayaa kulan la yeeshay Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Kulan kaasi oo albaabadu u xidhnayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxa ka warbixiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxaana uu yidhi”

“Maanta Shirguddoonka Golaha Wakiilada Waxa ay kulan la yesheen Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland iyo somaliya,waxaana uu shirguddoonku uga waramay Xaalada amaan ee dalka somaliland,haday tahay doorashooyinka qaranka iyo haday tahay Horumarka ay somaliland ku talaabsatay iyo Colaada ka aloosan gobolada bari Iyo Xuduudaha somaliland iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.

Waxaanan Xoghayaha Guud Siinay Warbixin ku saabsan arimahaas oo dhan,Waxaanan ka codsanay In ay Qaramada Midoobay ay ka shaqeeyaan sidii ay somaliland U Horumarin lahayeen Dhalinyaradana Shaqo Ugu Abuur lahayeen.

Si kastaba ha ahaatee Ergayga Qaramada Midoobay U           Qaabilsan Somaliland iyo somaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulan la yeelan doono Madaxwaynaha somaliland waxaana la eegi doono Kulan kaasi wixii kasoo Baxa Iyo Sida uu ka badali doono xidhiidhka Somaliland Nicholas Kay Oo baryahan Danbe Madawo Hadheeyey.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbe Jog.com

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed