Kufsigii Ka Dhacay Xerada Maslax Ee AMISOM Ku Lug-lahayd oo dad loo xidhxidhay
Muqdisho:16-Aug-2013(SDN)XukuumadDa Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin kufsi lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay qeyb ka qaateen oo xukuumadda ku-meel-gaadhka aad u gilgilay.
Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi, ayaa xaqiijiyay in dowlada Soomaaliya ay gacanta ku heyso mid kamid ah Askarta ciidamada meletariga dowlada Soomaaliya.
Waxaa Ridwaan uu sheegay in Askarigaasi uu ahaa ruuxii fududeeyay kufsiga loo geystay haweenaydaaasi, sida uu hadalka u dhigay islamarkaana uu ku jiro gacanta dowlada Soomaaliya.
Maalintii shalay ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku dhawaaqay guddi ka kooban wasiirada xukuumadiisa oo hogaanka ay u heyso Maryan Qaasim, wasiirka Adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya.
Kufsigan ayaa si weyn dareen aan fiicnayn uga dhex abuuray Dawladda Federalka ah, waxana ay sumcad xumo ku tahay dawladda oo lagu eedeeyey inay dilaaleen haween jilicsan oo ay masuul ka yihiin.
Somalidiasporanews.com