Kufsiga oo La sheegay Inuu Soomaaliya kusii Badanayo iyo warbixin cusub oo Laga soo Saaray
Nairobi:30-Aug-2013- (SDN)-Hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa jimcahan maanta ah warbixin ay soo saartay, waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta ah, waxaa lagu sheegay in xeryaha ay degen yihiin Dadka Barakacayaasha ah gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay wajahaan tacadiyo dhinaca galmada ah iyo dhiibaatayn kale oo loo gaysto.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dumarka ku nool xeryaha kumeel-gaadhka ahi ay cabsi soo wajahday maadama ay weli taagan yihiin xadgudubyada ka dhanka ah dumarka.
Haweeney u qaabilsan hey’adda dhinaca la talinta dhibaataynta dumarka ayaa sheegtay in warbixinno iyo xog uruurin ay ka soo samaysay magaalada Muqdisho, ay muujinayaan tacadiyada dhinaca galmada ee ka jira magaalada Muqdisho uu baahay.
Amnesty International, waxa ay waraysatay gabadh 13-jir ah, taasoo la sheegay in dhawaan la kufsaday, waxana ay hey’adda u sheegtay in dhaawac uu ka soo gaadhay falkaas, waxana ay sheegtay in ay u gaysteen rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.
Hey’adda ayaa sheegtay in ay yar tahay jawaabaha laga bixiyo tacadiyda dhinaca galmada ee loo gaysto dumarka ku nool goobaha lagu soo barakacay, waanta tan sababtay in dumarka loo gaysto falalkaasi aanay ku wargalin booliska.
Hey’adda ayaa sidoo kale daboolka ka qaadday in amni darida ka jirta dalka iyo iyagoo aan haysan ciidamo waardiyeeya in dumarkaas lagu kufsado goobaha ay ku nool yihiin.
Amnesty International ayaa sheegtay in gabash 14-jir oo lagu kufsaday xerada ay ku nooshahay, uu hadda soo wajahay dhibaato badan, waayo gabadhan horre ayey u qabtay xanuunka qalalka sida lagu sheegay warbixinta hey’adda.
Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 7% falalka kufsiga ee ka dhaca goobaha xeryaha kumeel gaadhka ee magaalada Muqdisho in ay gaystaan rag labisan dharka ciidamada.
Sannadkii la soo dhaafay 2012-ka waxaa Soomaaliya ka dhacay tacadiyada dhinaca galmada , waxaa lagu sheegay falalkaas in ay ku dhaw yihiin 18,000 oo ah kiisas kufsi ah.
War-bixintan ay Hay’addu ka soo saartay kufsiga xadhkaha goostay eek a jira soomaaliya, ayaa ifiiminaya inay inta badan dumarka soomaaliyeed qabaan tacaddiyo xad-dhaaf ah oo joogto ah, iyadoo ay u dheer tahay inaanay cid caddaaladda keenta kuwa naftooda halista geliya.
Somalidiasporannews.com
Contact@somalidiasporanews.com