|

Kufsi ay Wada Jir u geysteen Ciidamada Dawlada iyo kuwa AMISOM Ramadaantii ina dhaaftay oo Muqdisho Ruxay

Muqdisho Aug 16,2013(SDN)-Saxaafada Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn baahintooda ugu xusayay fal danbiyeed ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagula kacay Haweeney Soomaaliyeed.

Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay haweeney Soomaaliyeed ku afduubteen isla markaana ay kufsadeen dhawr jeer.

Hogaanka ciidamda AMISOM ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan naxdinta leh ee ruxday Muqdisho maalmihii u danbeeyay.

Fal danbiyeedkaas ayaa la shegay in uu Muqdisho ka dhacay horaantii bishan aynu ku jiro oo aheyd xili umaddu gudaneysay waajibaadkii Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa tiroba dhawr jeer hore loogu eedeeyay in ay geysteen falal danbiyeedyo Kufsi ka mid ahaa.

Waase markii u horeeysay ee ay soo shaac baxdo in ciidamada Africa ee AMISOM ay Kusi ka geysteen Soomaaliya.

Hadii fal denbiyeedkani ku cadaado ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxa si weyn uga faaiideysan doona Kooxda Al Shabaab oo ka soo horjeeda joogitaankooda.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed