Ku-xigeenkii Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Bay Oo Xalay La Dilay
Bardaale:May,19,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno Deegaanka Bardaale, waxa Habeenkii xalay ay koox Hubaysani Halkaas ku dishay Guddoomiye-ku-xigeenkii Degmada Bardaale Idiris Gacamay.
Idiris Gacamay ayaa la sheegayaa inay Koox baastoolado ku Hubaysani Xalay ku khaarajiyeen Degmadaasi.
Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Maamulka Degmada Bardaale ayaa Warbaahinta u sheegay in Gudoomiye Xigeenka Degmada lagu Dilay Meel u dhaw Guriga uu ka Dagan yahay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, isla-markaana uu Goobtii ku Geeiyooday.
Kooxdii Falka Dilka Fulisay ayaa la sheegay in ay Durbadiiba Goobta ka baxsadeen,waxaana Sidii Caadiga aheydba goobta soo gaadhay Ciidamada Booliska ee Degmada,kuwaa oo Baadhitaano halkaasi ka fuliyey.
Wali majirto Cid loo qabtay Dilka Gudoomiye Xigeenka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Idiris Gacameey oo Xalay lagu Dilay degmada.
Dilalka Masuuliyiinta Deegaanada Maamullada Somalia, ayaa inta badan iska dhaca, iyadoo aanay jirin cid wali si rasmi ah loogu soo qabto falalka noocan oo kale ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com