Ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson oo Maanta Muqdisho ka Degay
Muqdisho 26.October 2013 (SDN)- Ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ujeeddada socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa horumarka kala duwan ee laga hirgaliyay Soomaaliya.
Jan Eliasson ayaa ku ammaanay dowladda federaalka ah dadaallada nabadda iyo horumarka ee lagu tallaabsaday muddo kooban, isagoo ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay kordhin doonto taageerada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulantay ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qarama Midoobay Jan Eliasson ayaa u sheegtay warbaahinta inuu kaalin muhiim ah ka qaadan karo taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Waxay xustay in shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeelan doonaan dabayaaqada bishan lagu soo qaadi doono qaabkii lagu tayeyn lahaa ciidanka Soomaaliya.
Booqashada ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay inay qaadan doonto laba cisho, isagoo la kulmi doono madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com