Ku-xigeenka Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo U Jiifa Dhaawacyadii Dhawaan Gaadhay Iyo Wasiirka Caafimaadka Turkiga Oo Cisbitaalka Ku Booqday
Ankara:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Ku-xigeenka Ra’isal wasaaraha Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa wali u jiifa dhaawacyadii dhawaan kasoo gaadhay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay, waxana Cisbitaalka uu ku jiro kusoo booqday Wasiirka Caafimaadka Waddanka Turkiga.
Raiisul wasaare ku xigeenka ayaan wali ka bixin Cisbitaalka uu uga jirro Magaaaladda Ankara iyadoo Xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.
Booqashada Ra’isal wasaare-xigeenka ay ugu tageen Saraakiisha Turkiga katirsan ee uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Mehmet Muezzinoğlu, ayey ugu rajeeyeen In eebe caafimaad siiyo oo uu badqab dalkiisii hore ugu laabto.
Maxamed Cumar Carte ayaa si weyn uga Mahad celiyay Booqashadda uu wasiirka caafimaadka Turkigu uu ugu yimid, wuxuu kaloo si weyn ugu Mahad celiyay Dowladda Turkiga oo had iyo jeer dhinac taagan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Qarax ay ku dhinteen in ka badan 30 qof halka ay 60 kalena ku dhaawacmeen ayuu kamid ahaa Raiisul wasaare ku xigeenku dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaa Masuuliyadda weerarkaas sheegtay Mintidiinta Alshabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com