Ku xigeenka gaaryaqaanka dowladda oo xalay lagu dilay Muqdisho
Muqdisho April 26 2013 (SDN)— Kooxo hubaysan ayaa habeenimadii xalay ku toogtay degmada Yaaqshiid ku xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda soomaaliya Axmadey Sheekh Nuur Maalin xili uu ka soo baxayay masaajid ku yaala degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaarka hotel Ramadaan waxaana sidoo kale goob ku dhaawacmay ruux la sheegay inuu la socday garyaqaanka geeriyooday.
Kuxigenka garyaqaanka guud ee dowladda soomaaliya Axmadey Sheekh Nuur Maalin ayaa waxaa la sheegayaa inay soo weerareen saddex ruux ku hubaysan Bastooladu xili uu rabay inuu galo baabuur banaanka masaajid ku yaalay.
Maamulka degmada Yaaqshiid ee garyaqaanka lagu dilay ayaa sheegeen in iyagu ay durbadiiba goobta ay tageen ka dib markii uu falku dhacay isla markaana ay ku guul daraysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaas dilka ah gaystay.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee maamulka gobolka Banaadir Muxyadiin Jurus oo ay la hadhashay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in inkastoo oo kooxihii falka dilka ah gaystay ay ka baxsadeen ciidamada dowladdu ay baaritaano wadaan oo ay ku dadaali doonaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii ka danbeeyay dilkaasi ama lala xariirinayo.
Dilka garyaqaanka ayaa waxaana jirin cid shaacisay inay ka danbayso waxaanse maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray dilal noocaani oo kale ah oo ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho ,iyadoona la xasuusto dhawaan weeraradii lagu qaaday xarunta maxkamadaha gobolka Banaadir halkaasi oo ku dhinteen garyaqaano iyo sidoo kale dad shacab ah iyadoona weerarkaasi ay sheegeen inay ka danbeeyeen xarakada Alshabab.
SDN-Muqdisho