|

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay Ururada Bulshada Rayidka

Muqdisho, May 22, 2012(SDN)- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Muqdisho.
 
Kulanka maanta uu Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga  uu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa waxaa looga hadlayay Arrimaha Dastuurka, Roadmap-ka iyo Amniga.
 
Wuxuuna sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu la mid yahay ama ka wanaagsan yahay Dastuurkii 1960-kii, Islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigi doono todobaadyada soo socdo si tuhunada lagalinayo ay u arkaan iney yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.  Wuxuuna intaa ku daray in Ururada Bulshada ay yihiin laf dhabarkii Umadda Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga ayaa sheegay in waqti adag lagu jiro, waqtigaa adagna ma ahan mid dowladda kaliya xil ka saaran tahay islamarkaana tilamaamay in Urarada Bulshada ay yihiin kuwii garbo u noqon lahaa sidii looga bixi lahaa waqtigaa adag ayna dowladdu diyaar u tahay in talo iyo tusaale ay ka qaadato Ururada Bulshada.
 
Dhinaca kale Wuxuu Ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay iney adag tahay soo celinta amaanka dalka, balse indhihii dowladu ay yihiin Shacabka Soomaaliyeed haddii aysan soo Sheegeyn cidii wax dhibaateyneyso dowladu waxba ma arki karto taana waxaan dareen sanahay iney tahay dowrkii Bulshada Rayidka  maadama aan ognahay in Shacabka iyo Ururada Bulshadaba ay si wanaagsan ula shaqeeyeen dowladda KMG Soomaaliya ayna ku guuleysatay qeybo badan oo amaanka dalka ah.
 
“Waad xasuusataan markii aan imaaneynay bishii July,2011 waxaa dhinac Magaalada Muqdisho gacanta ku hayay nimankii dhibka badnaa oo Umadda Soomaaliyeed dhibaatadana ku hayay ee Shabaabka maantana Ilaahey mahadii Muqdisho iyo Gobalada qaarba ay yihiin xor taana waxay ku imaaday doorka ay ka qaateen Ururada Bulshada”.
 
Ugu dambeyntii Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga ayaa Ururada Bulshada u sheegay in Roadmap-ka looga bixi doono Kumeel Gaarnimada islamarkaana tilmaamay in Odoyaashii Dhanka Soomaaliyeed ay Muqdisho joogaan kana shaqeynayaa sidii KMG looga bixi lahaa taasina waxay ku timaaday isku tashi,Kalsooni iyo Dhabar adeeg, Waxaana Caalamka in badan ka codsanay iney nala gargaaraan taana waxaa ka muuqato rajo fiican.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed