Ku dhawaad 20-ruux oo lagu soo qab qabtay howlgallo Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/hoose
Afgooye Jan 10 2013 (SDN)- Howlgal ay wax ka fulinayeen saraakiisha Ciidamada ugu sareeya ayaa maanta waxa ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaano kuyaalla gobolka Sh/hoose.
Qaar kamid ah safiyiinta maxaliga ah oo la socda saraakiisha howsha fulineysa aya sheegay in ugu yaraan 20-qof la soo qabtay kuwaasi oo lagu eedeeynayo falal Tuuganimo iyo waxyaabe kale isugu jira waxana ay tilmaameen in dadkaasi lageeyay saldhiga degmada Afgooye.
Saraakiisha howlgalka ka qeyb qaadaneysa ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamadanka Milatariga, Taliyaha Ciidanka booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida kuwaasi oo dusha ka eegayay sid howlgalka uu u soconayay.
Wararka qaar ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii lagu soo qabtay howlgalkaasi la siidaayay kaddib markii lagu wayay wax danbi ah oo ay galeen.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ay hada ka soconayaan kulamo looga arin sanayo amaanka gobolkaasi kaasi oo ay ka qeybgalayaan saraakiil iyo maamulka gobolka.
SDN-Afgooye