Koronto Awood Badan Oo Loogu Ballanqaaday Shacabka Reer Kenya
Nairobi:Aug,26,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa ku dhawaaqday inay dhammaadka Miisaaniyad-sanadeedkan ay qorshaynayaa in Shacab Gaadhaya Hal Milyan oo qof la siin doono Koronto Awood Badan.
Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in marka la gaadho 2017 in 70% bulshada Kenyanka ay heli doonaan koranto awood leh oo ku filan.
Xoghayaha joogtada ee wasaarada tamarta, Joseph Njoroge, ayaa sheegay in qorsha lagu balaadhinayo koranta galinta uu mar hore socday islamarkaana ay haatan dowladdu sii dardar galin doonto talaabadaasi.
Mr Njoroge, ayaa tilmaamay in qofka marka ugu horaysa ee loo xidhiidhinayo korontada qiimaha aanu waxba iska badalin oo uu yahay 35,000 oo shiling.
Agaasimaha shirkada quwada korantada dalka ee KPLC, Ben Chumo, ayaa dhankiisa sheegay in shirkaddu ay qorshaynayso in iskuulo tiradoodu ay gaadhayso 16,000, oo iskuulada dowladda ah ay mar hore koranto galin ka sameeyeen islamarkaana ay haatan hadheen 6,000 oo iskuul oo kaliya.
Qiimaha korantada ayaa bilooyiinkii ugu danbeeyay ahaa mid si aad ah u sareeya taasi oo dadka qaar aanay awoodin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com