Kornayl Caarre oo diiday taageerada xukuumadda iyo fashilka Siciid Sulub
Hargeysa. 22 October, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa habeen hore ka dhacay kulan ay iskugu yimaadeen xubno ka mid ah beesha Habaryoonis oo iskugu jira siyaasiyiin, madax dhaqameed, saraakiil iyo haldoor kale, iyada oo ay ka wada hadleen arimaha siyaasadda ee Somaliland.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Ee Somaliland, Siciid Sulub, oo kulanka ka raadinayay taageero iyo in shirka Burco laga soo hor jeedsado ayaa hadalo ay dadkii meesha joogay diideen yidhi kana mid ahayd in shirka Burco ee beesha Garxajis uu wato gudoomiyaha Waddani Xirsi Cali X.Xasan.
Kornayl Siciid Cawil Caare oo hore jabhad ugaga dhawaaqay Somaliland ayaa gacanta la tiigsaday Siciid Sulub isaga oo rabay in uu dhirbaaxo wuxuuna u sheegay in ay cay ku tahay beesha Garxajis arintaasi ee uu ka noqdo Siciid Sulub.
Kornayl Caare ayaa sidoo kale si adag u diiday in uu xukuumada taageero u muujiyo isaga oo ku goodiyay in uu tagi doono shrika magaalada Burco ee maalinta Salaasada furmaya.
Wasiir Siciid Sulub ayaa isagu rabay in uu ka hadliyo xubno beeshiisa ah si ay u tagaeeraan xukuumadda ugana soo hor jeedsadaan shirka Burco.
Xubnaha ku jira xukuumadda Muuse Biixi ee beesha Garxajis ayaa isku dayaya in ay kuraasta ku xejistaan taageero been abuur ah oo loo muujiyo Muuse Biixi.