Kor u Kac dhan 300 oo Qof oo Ku Geeriyooday Duufaanadii ka dhacay Ismaamul Goboleedka Punt land
Garowe 13.Nov 2013 (SDN)- Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay in ay sii kordhi karto dhimashada ka dhalatay Roob duufaan wata oo ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland, kaddib markii uu meel dhexe ku xannibmay gargaar loo waday dad ku dhibaataysan deegannada qaar.
Maamulka ayaa sheegay in la la’yahay kalluumeysato badan kuwaasoo loo malaynayo inay geeriyoodeen, duufaanta ayaa burburisay xaafaddo, doomo iyo dhismayaal kale, sida Aljazeera ay kasoo xigatay masuuliyiinta maamulka Puntland.
Dhimashada ayaa la sheegay inay gaari karto 300 oo qof , haddii gargaar deg deg ah aanan lala gaarin dadka ku xanniban deegaanno qaar oo ay musiibadu gaartay.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa shalay codsaday gargaar bani’aadannimo oo loosoo marsiiyo dhinaca cirka.
dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu deeqday dadka ay dhibaatadu gaartay hal milyan oo dollar,islamarkaasna ay magacowday guddi heer wasiir ah oo u istaaga wax ka qabashada dhibaatada.
Dhimashada ayaa hadda maraysa boqol iyo afartan qof, halka boqolaal kalena ay ku guryo beeleen.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com