|

Kooxo hubeysan oo Xalay dil ka geystay Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Gaarisa Dec 10 2012 (SDN)—Kooxo hubaysan ayaa magaalada Gaarisa ee Gobolka NFD waxaa ay ku toogteen sadex ruux oo shacab iyo ciidan isugu jira.

Waxaa la sheegay in kooxaha weerarka gaystay ay rasaas la dhaceen sadex ruux oo midkood uu ahaa Askari waxaana dhintay labo ruux mid kalena waxaa la geeyay cisbitaalka.

Weerarkaan ayaa waxaa ay kooxaha ka gaysteen goob dukaan ah oo lagu ganacsado waxaana la qaban kooxihii dilka gaystay.

Ciidamada ammaanka Magaalada gaarisa oo halkaasi gaaray ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah iyaga oo aan la sheegin cida ay kusoo qab qabteen howlgalkaasi ay sameeyeen ciidamada.

Lama Garanayo kooxaha ka dambeeyay dilka cida ay ahaayeen hayeeshe waxaa la sheegay kaliya inay wateen Biskoolado isalmarkaana ay fuliyaan dilka durbana ay meesha ka baxsadeen.

Gaarisa muddooyinkaan dambe waxaa soo foodsaartay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geysanayaan kooxo hubaysan kuwaasi oo durba meesha ka baxsanaya marka falka dilka ah ay geestaan.

SDN-Gaarisa

Comments are closed