Kooxo hubeysan oo weerar qasaaro geystay ka fuliyay Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal
Garoowe May 14 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa ay ku waramayaa in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen Goob ganacsi oo kutaalla Magaaladaasi.
Kooxaha hubeysan ayaa raasaas ku furay dad ku suganaa goobta ganacsi waxaana Rasaastaasi ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 2-ruux oo uu ku jiray milkiilihii goobta ganacsi iyadoo Ruux kalana uu ku dhawacmay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Kooxihii hubeysanaa ee falkaasi fuliyay ay goobta ka baxsadeen, kaddibna ay halka ay wax ka dhaceen ay soo gaareen ciidamada Amaanka Maamulka Puntland.
Wararkii ugu danbeeyay ee saakaya ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa waxa ay kuwarmayaa in halkaasi ay ka socdaa howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay falkii xalay ka dhacay Garoowe.
Ilaa iyo hada lama sheegin in lala xiriirinayo falkii xalay oo gacanta lagu soo dhigay, hase ahatee dhacdadan ayaa imaaneysa xilli ciimada Amaanka ay ka bilaabeen Garoowe howlgal Amaanka lagu xaqiijinayo.
SDN-Garoowe