Kooxo hubeysan oo Hooyo 27-sano jir ah Ninkeediina geeriyooday ku kufsaday Xiro ku taala Muqdisho
Muqdisho Jan 07 2013 (SDN)— Warbixin uu baahiyay Tv-ga Al Jazeera ayaa waxaa ay sheegtay in barkacayaasha ku dhaqan degmooyinka Magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin isugu jira dil iyo kufsi ay u geystaan dad ku labisan darka Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Wariyaha warbixintan diyaariyay oo la kulamay qaar ka mid ah dhibanayaal falal kufsi ah loogeystay ayaa waxa warbixintiisa ka muuqatay in dadka ugu badan ee Muqdisho lagu dhibaateeyo ay yihiin barakacayaasha.
Nuura Xirsi oo 27-sano jir ah ninkeediina uu ka dhintay kuna nool Xiro barkacayaal oo lagu magacaabo Burdhubo oo ku taala xaafada Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay Al Jazeera in ay kufsadeen 7-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda markii ay ugu soo galeen gurigeeda maalinimo sabti ah 29-kii bishii December.
“ Caruurteydu waa ay jiifeen markii ay iisoo galeen dhiman hubeysan guriga, qaar kood waxa ay wateen qoryaha AK47, waa ay iseexiyeen waxana ay i kufsadeen waxana ay sameyeen waxa kasta lama aanan dagaalmi Karin mana aqaan si aan 7-nin isaga celiyo” ayay tiri Nuura Xirsi.
Nuura waxa ay sheegtay in aysan jirin cid caawisay intii falkaasi lagu sameeyayay waxanaa ay sheegtay in dadka xaafada ay ka baqanayeen ragaasi madaama ay hubwateen.
“Markii ay iga tageen waan iska seexday, subaxdii waxaan aaday Isbitaal waxayna isoo siiyeen xooga daawo ah oo aan isticmaalo, laakiin uma sheegin iyaga waxa igu dhacay. Waa Soomaali mana doonayo in ay ogaadaan dadka waxa igu dhacay.” Sidaasi waxaa tiri markale Nuura Xirsi.
“Waxaan u tagay booliiska laakiin dhabtii iima muujin in ay wax ii qabanayaan. Dadka ayaa lagu dilaa Muqdisho anigana madhiman. Kufsigu halkan wax weynkamaah. Qofna wali loomaxirin. Xitaa qofka horjoogaha u ah Kaamkan ma iimuujin in uu ila dhibtoonayo waxna ima uusan dhihin markii aan u sheegay arinka igu dhacay, waxaan sidoo kale jiclaa in aan ka hadlo warbaahinta laakiin fursadaas la imasiin.” Sidaasi waxa iyada oo Ilmeyneysa sheegtay Nuura Xirsi oo kooxo hubeysan ay ku kufsadeen Muqdisho.
Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dhacdooyin badan oo xanuun leh kuwaasi oo badi dadka aysan ka war heyn waxaase isweyndiin muda cida looga baahanyahay in ay waajib iska saarto daryeelka iyo ilaalinta dadka barakacayaasha Soomaaliyeed ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.
SDN-Muqdisho