Kooxo hubeysan oo gudoomiye xaafadeed ku dilay dagmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe
Jowhar May 31 2013 (SDN)—Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku waramayaa in xalay halkaasi lagu dilay Gudoomiye xafadeed ka tirsanaa Maamulka degmadaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay qurbejoog.com in Gudoomiyah la dilay lagu magacaabijiray Xuseen C/laahi Cumar, waxaana uu ahaa gudoomiyaha xaafada Hantiwadaag ee dagmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Kooxaha dilka fuliyay oo gaarayay ilaa iyo labo Ruux ayaa ku hubeysanaa bastoolado waxaana la tilmaamay in ay baxsadeen dilka ka dibib, iyadoo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay halkaasi soo gaareen.
Ciidamada dowladda ee dagmada Jowhar ayaa halkaasi howlgallo ka sameeyay lamana oga dadka lagu soo qabqabtay ilaa iyo hada.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi lagu dilay guddoomiye xaafadeedka ka tirsanaa maamulka dagmada Jowhar hase ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeesay xilli ay gacanta ku hayaan Magaaladaasi Ciidamada dowladda Soomaaliya iyi kuwa AMISOM.
Jowhar-SDN