|

Kooxo hubeysan oo dilay Taliyihii Nabad Sugida degmada Shibis ee gobolka Banaadir

Muqdisho Feb 11 2013 (SDN)— Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogteen Talyihii Ciidamadda Nabad Sugidda ee Dagmadaasi, kaasi oo xiliga la tooganayay  ku sugnaa goob ganacsi oo ku taala Xafada Nasiib Buundo. 

Taliyaha la dilay ayaa waxana lagu magacabi Jiray Cali Maxamed Axmad, waxana uu taliye u ahaa Ciidamada Nabad Sugada degmada Shibis ee gobolka Banaadir. 

Dilka kaddib ayaa goobta waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay howgaloo balaaran oo lagu baadi goobayay kooxihii falkaasi ka danbeeyay. 

Warsame Maxamed Xasan oo ah guddoomiye kuxigeenka dhanka Amaanka ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen mid kamid ah kooxihii dilka geystay sida uu hadlka u dhigay, waxaana uu tilmamaay in ay baarayaan qofka ay soo qabteen. 

Mahan markii ugu horeysay oo dad katirsan laamaha Amaanka gobolka banaadir iyo dowladda Soomaaliyaba lagu dilo degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed