|

Kooxo hubeysan oo caawa Nin ka tirsanaa dadkii ansixiyay dastuurka ku dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho Dec 28 2012 (SDN)— Kooxo hubesan ayaa lagu waramayaa in Maqribnimadii caawa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Nin ka tirsanaa Odayaashii Ansixiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijinaya in Maxamed Cismaan Suufi oo ka mid ahaa dadkii ansixiyay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ay kooxo hubeysan oo ka koobnaa labo qof ay ku toogteen xaafada Korontada ee degmada Wadir ee gobolka Banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana goobta soo gaaray waqti danbe ciidamad Ammaanka degmaadaasi oo halkaasi ka sameeyay dhaq dhaqaan aan sidaasi u buurneyn.

Lama oga waxa ka danbeeya dilka Maxamed Cismaan Suufi oo ka mid aha dadkii Ansixiyay dastuurka laakiin falka ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni daro ee ka dhaca waqtiyada qaar Magaalada Muqdisho.

SDN-Mudisho

Comments are closed