Kooxo Aan La Aqoonsan Oo Xalay Madaafiic Khasaare Gaadhsiisay Ku Weeraray Caasimadda Muqdisho
Muqdisho:Sep04,2014(Himilo)-Madaafiic aanay reer Muqdisho in muddo ah Arag ayaa habeenkii xalay lagu weeraray Goobo ka mid ah caasimadda, kuwaas oo khasaare gaadhsiiyey dad shacab ah.
Madaafiicdan ayaa badankoodu kusoo dhaceen Agagaarka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxana wali aan la sheegin khasaaraha ay geysteen.
Tiro ka mid ah madaafiicda, ayaa la rumeysan yahay inay ku soo dhacday Xaafada Koronto iyo inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde & Xarunta UNDP, halka tiro kale oo madaafiic ahna la soo sheegaayo in ay u gudubtay Garoonka.
Madfac ku soo dhacay dhisme ku yaal agagaaraha Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir, ayaa waxay waxyeelo ka soo gaadhay afar ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda, iyadoo gabadh la soo sheegaayo in ay ku dhimatay, halka 3-da kalana ay ku dhaawacantay.
Madaafiicda ku soo dhacday inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo UNDP, ayaan faah faahin badan laga hayn khasaaraha ka dhashay, balse waxay dadku kuu sheegayaan in ay maqlayeen dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg-degga, oo halkaasi sii galaayey.
Dhanka kale Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay jawaab ka bixiyeen madaafiicdii lagu soo weeraray Garoonka, iyagoo adeegsanaaya raadaarka tilmaama goobaha laga soo tuuro madaafiicda.
Lama garanaayo cidda ka dambeysa madaafiicda loo riday dhinaca Garoonka Aadan Cadde, oo uu ku dhex yaal Xarunta Xalane, oo Ciidanka Amisom ay degan yihiin
Xoogaga Shabaabka oo ka soo horjeedo jiritaanka Dowladda Somaliya iyo joogitaanka Amisom ee dalka, ayaa waxay xilliyada qaarkood ay madaafiic ku weeraraan Xerada Amisom ee Xalane.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com