Kooxdii Fannaaniinta Waayaha Cusub Oo Dhammaantood Iska Dhiibay Xero Qaxoonti Oo Holland Ku Taalla
Ter Apel:Sep,25,2014(SDN/QJ)-Fannaanta Da’yar ee Kooxda la magac Baxday Waayaha Cusub oo dhawaan Booqasho ku timi dalka Holland, ayaa ugu dambayntii go’aansaday inay iska dhiibaan qaxoontiga ku Nool Dalka Holland.
Kooxdan oo bishan aynu ku jirno ee September 21-keedii bandhig-faneed ku qabatay magaalada Amsterdam, ayaa bandhigaas kadib isku shubay maalintii isniintii xerada qaxootiga ee Ter Apel.
Kooxda Waayaha cusub oo matalaysay dalka Somalia ayaa waxay soo bandhigeen mid ka mid ah heesahooda ka hadleysay nabadda, maadaama showgan uu ahaa mid ku saabsanaa maalinta nabadda aduunka 21 Sep.
Kooxdan oo ka kooban ilaa Shan qof oo kale ah Falis Abdi, Digriyow, Lixle, Ahmed iyo Burhan, ayaa waxay Amsterdam ku yimaadeen casuumaad rasmi ah si ay ugu qeybgalaan xafladaasi caalamiga ah ee ay soo qaban qaabisay Master Peace, taasoo lagu qabtay magaalada Amsterdam 21-kii bishan September.
Imaanshaha Holland ayey u aheyd fursad qaali ah oo in mudo ah ay sugayeen kooxdaani ka kooban Shanta qof, waxana ka hor intii aanay Nairobi kasoo dhoofin qorshahooda kusoo dareen inaanay dib ugu soo noqonin afkrika.
Gudoomiyaha kooxdan Shiine Akhyaar ayaa isagu bilooyin ka hor iska dhiibay dalka UK oo uu weydiistay magangalyo, isagoo dalkaasi ku tagay howlo faneed.
Waa markii ugu horeysay oo tiro intan la eg oo koox fanaaniin Soomaaliyeed ah ay iska dhiibaan dal ka mid ah Midowga Yurub, mase la hubo sida looga aqbali doono sheegashadooda iyo inkale, waxana la hubaa inay aqbalaadoodu muddo badan qaadan doonto.
SDN/QJ