|

“Kooxdaasi Kamay Mid Ahayn Ciidanka Qaranka Somaliland-e Waxay AHaayeen Fallaago Habeen Meel u Hoyata….”Badhasaabka Gobolka Badhan

Badhan:22-April-2014(SDN/QJ)-Madaxda Sare ee Gobolka Badhan, gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Badhan Cadixakiin Maxamed Wahaabi, ayaa ka Hadlay Ciidamo ka  tirsnanaa kuwa Gobolkaas Somaliladn u joogay uu isu dhiibay Maamulka Puntland.

wahaabiGuddoomiye Wahaabi oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa ciidankaas ku sheegay kaliya wax aan ka badnayn Soddon Askari oo watay Laba gaadhi oo nooca Dagaalka ah.

Badhasaabka Badhan Cabdixakiin Maxamed Wahaabi waxaa kaloo uu intaa ku daray in kooxda sheegatay inay ka goosteen Ciidanka Qaranka Somaliland in aanay beryahanba ka mid ahayn Ciidanka, isla markaana ay fallaago ku maqnaayeen oo ay habeenba meel u hoyan jireen,waxaanu Badhasaabku intaa ku daray inay muddoba ka dhur sugayeen ninka kooxdaa hor joogaha u ah odayaashiisa oo ergo ahaan ugu maqnaa.

“Horta ninkaa sarkaalka ahaan jiray iyo kooxda uu watayba muddo badan hadda kamay mid ahay Ciidanka Qaranka Somaliland,tan iyo markii ay diideen inay galaan oo ka md noqdaan ciidanka Qaranka  ee Ku sugnaa Gobolka Badhan oo tababar loo furay,taasoo ay diideen,maalintaa wixii ka dambeeyayna Ciidanka Qaranka kamay mid ahayn,laakiin waxay iska ahaayeen Koox fallaago ah oo habeenba meel u hoyda.”

Ayuu yidhi Badhasaabka Badhan waxaanu intaa ku daray siagoo hadalkiisa sii wata.

“Markii ay  ka fallaagoobeen Ciidanka Qaranka Waxaa la soo magacaabay Taliye Cusub iyo saraakiil cusub waxaanay Ciidanka Qaranka ee gobolka ku sugnaa galeen dugsi tababar,ugu yaraan ilaa sideed biloodna wax shaqo ah oo ay kooxdaasi Ciidanka Qaranka u haysay may jirin, labada gaadhi oo la doonayay in laga wareejiyana habeenba meel ayuu ula hoyan jiray sida guriiilaha,waxaana jiray in odayaal iyo wax garad qoyskiisa ah oo yidhi annagaa arrintiisa dhamaynayna ee agu ogaada oo yaan la hujuumin sidii taa looga war sugayayna galabta ayuu  tegay Puntland ,laakiin waxba kama jiraan sheegashada Puntland ee ah  inay shalay u tallaabeen.”

Badhasaabka oo la weydiiyay dhankooda Maamul gobol ahaan  sababta ay tallaabo uga qaadi waayeen intii uu falaada ahaa ee uu la dhex joogay gaadiidka Ciidanka Qaranka,ayaa ku jawaabay.

“Horta markii ugu horraysaba tallaabo waa laga qaaday oo saaakiil kale oo Taliyihii Ciidank Qaranka Gobolka Badhan ka mid yahay,ayaa la soo magacaabay kooxdanna wax lacag ah ama Raashin ah oo ay ciidanka ka qaadanayeen may jirin laakiin erdgada odayaasha ah ee ku jirtay arrintiisa ayaa loo daayay inay war ka keenaan oo uu ama ciidankii Qaranka ogolaado oo amar qaate ahaado iyo inuu soo wareejiyo gaadiidka laakiin siduu been ugu dhuumanayay ee uu marba ballan u qaadayay waa kaa galabta tegay Puntland,Ninkaa iyo kooxda uu watayna Beryahaaba kamay tirsanayn Ciidanka Qaranka,Somaliland-na laba gaadhi iyo tiro yar oo aan Waddaniyad lahayn waxba u noqon mayso.”

S.D.N/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed