|

Kooxda ONLF Oo Ku Dhawaaqday inay Qudha Ka Jareen 70-Ka Tirsan Ciidanka Ethiopia

Qabri-dahar:July,01,2014(SDN/QJ)-Xoogagga Dagaalka  muddada dheer kula soo jirey Dawladda Ethiopia ee  ONLF, ayaa sheegtay inay Qudha ka jareen Ciidamo tiro  badan oo ka tirsan kuwa Ethiopia.

onlfXooggan oo  si gaar ah uga dagaallama Gobollada Dawlad-deegaanka soomalidu ka Degto Ehiopia, ayaa sheegtay inay ugu yaraan 70-Askari oo Ethiopian ah  ku dileen Deegaanada soomaalidu degto dagaalo  Toddobaadkan ka dhacay.

Maxamed Cabdulaahi Sooc, oo ah sarkaal u hadlay jabhada ONLF ayaa sheegay inay dileen askartaasi kadib dagaal saacadihii lasoo dhaafay ay la galeen sida uu sheegay.

Gudoomiyahaasi ayaa sheegay in dagaalka ugu daran maalintii shalay uu ka dhacay deegaanka Qabri Dahar ee dhulka Soomaalida, isagoo sheegay in halkaasi ay ku dileen askarta ugu badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudoomiyaha in dagaal ka dhacay deegaanka Goday ay ku dileen askar kale taasi oo guud ahaan tirada ciidamada ladilay ka dhigeysa 70 ruux.

Majirto ilo ka madaxbanaan Jabhada ONLF oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan in 70 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dileen dagaal ka dhacay deeganada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Kooxdan ONLF,ayaa dagaal qadhaadh oo dad badani ku dhinteen kula jitey Dawladda Ethiopia, waxana ay arrintani kusoo beegmaysaa xilli dhawaanahan la hadal hayey in iskaashi dhawi dhex maray Kooxahan iyo Kooxda Al-shabaab oo Ehiopia haatan dagaalkeeda caddaysatay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed