|

Kooxda La Socodka Xayiraadaha Soomaaliya iyo Yemen oo kulan yeeshay

Sanca April 24 2013 (SDN)— Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Yemen Abu Bakar al-Qirbi ayaa la kulmay Gudiga la socodka xayiraadaha hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana uu kulankankooda ka dhacay Magaalada Sanca ee dalkaasi.

Labada dhinac ayaa waxay kulankooda iskula eegeen sidii loola socon lahaa Hawlaha Kormeerka iyo dalalka ku xadgudba Xayiraadaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Yeman, waxa uu tilmaamay inaysan Dowladiisa marnaba doonaynin in lagu xadgudbo Xayiraadaasi, si Dowladda Somalia uga badbaado dhibaato kaga timaad hubka ku qulqulayo.

“Dowladda Yeman waxay iskaashi ka samaynaysaa sidii looga hortegi lahaa hubka loo tahriibiyo Somalia” ayuu yir Wasiirka, oo hoosta ka xariiqay in Danta Yeman ku jirto Deganaanshaha Geeska Afrika.Si kastab, Yemen ayaa kamid ah meelaha la tuhun sanyahay in Al Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay hub ka helaan madaama kooxo xiriir la leh Al Qaacida ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Koofurta Yemen.

SDN-Sanca

Comments are closed