|

Kooxda Daacish oo Birta ka Aslay Weriye Maraykan ah iyo Mid kale oo Gawrac loo diyaarshay

Baqdaad 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wariye Maraykan ah,ayaa la gawracay halka mid kale oo labaadna uu sugayo in dhakhso loo bireeyo haddii aanay jawaab cad  bixin dawladda Washington oo laga sugayo in ay joojiso weerarada Dhanka cirka ah ee ay ku hayso kooxda ISIS ee ka dagaalamaysa dalka Ciraaq.

CaptureKooxda ISIS ee loo yaqaan Daacish ee Sheegata in ay yihiin dawladda Khaliifada Islaamka,ayaa soo bandhigtay Wariye Maraykan ah oo ay gawracayaan.

Wariye James Foley oo la waayay bishii November ee 2012-kii, iyadoo kooxo hubeysani ay k afduubeen gudaha dalka Suuriya oo uu xilligaa u joogay hawlo warbaahineed  iyo in uu soo, tan iyo wararka xiligaa ka jiray ee la xidhiidhay kacdoonkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha dalka Suuriya oo ay kooxo is bedel doon ahi dagaal kula jireen intaan kooxda ISIS ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq aasaasmin  dagaalkoodunaaanu ka bilaabmin dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Foley ayaa akhriyay bayaan  uu dawladda Maraykanka ku eedeeyay in ay leedahay masuuliyadda dhimashadiisa isagoo xilligaa u diyaar ahaa in la gawraco  marka uu hadalkiisa dhamaysto.

 

Ururka Daacish ayaa sheegay in tallaabadan  ay wariyaha maraykanka ah ku gawraceen in ay jawaab u tahay fara-gelinta uu  Mareykanku ku sameeyay dalka Ciraaq iyo duqeymaha ay diyaaradihiisu ka wadaan deegaanno ku yaalla Waqooyiga dalkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda ISIS.

Baqdaad SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed