Kooxda Boko Haram Oo Dawlad Islaami ah Kaga Dhawaaqday Gobollo Ka Mid ah Nigeria
Gwawza:Agu,26,2014(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Xawaaraha sare ku socda Boko Haram ayaa ku dhawaaqday inay Dawlad islaami ah ka samayn doonto Gobollada Bariga dalkeeda ee ay gacanta ku Hayso.
Hogaamiyaha Kooxdan Abubakar Shekau oo soo duubay muuqaal ayaa ugu hambalyeeyay xoogaga Boko Haram ee horaantii bishan la wareegay magaalada Gwoza.
“Waxaan u mahad celinayaa Alle oo na siiyay guushan, oo aan magaalada Gwoza kaga dhignay inay qeyb ka noqoto dowladda Islaamiga”ayuu yidhi Mr Shekau muuqaal video soconayay muddo 52 daqiiqo la soo dhigay baraha Internerka.
Kooxda Boko Haram ayaa calanka Imaarada Islaamiga ka taagay Gwoza, sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxana ay dadka u sheegeen inay diyaar u ahaadaan ku dhaqanka iyo ku xukunka Dinta Islaamka.
Wali ma cada in Hogaamiyahan uu baayaco ama heshiis la galay dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya oo iyadu hore u sheegtay inay wakiil ka tahay dhammaanba Islaamka caalamka jooga.
Ciidamada Nigeria ayaa qaadacay sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, balse wali wax tallaabo ah ma ay qaadin.
Boko Haram ayaa ka talisa deegaano ka mid ah Gobolada Borno iyo Yobo, halkaasoo ay kula dagaalameen ciidamada dowladda Nigeria
Kumanaan ruux ayaa ku dhintay dagaalada waqooyi bari Nigeria ka waday kooxdan tan iyo sanadkii 2009-kii, markii Boko Haram ay bilowday halganka.
Magaalada Gwoza ayaa waxaa ku nool ilaa 265-kun oo ruux, iyadoo ah magaalada ugu weyn ee ay Boko Haram la wareegaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com