|

Kooxda Awoodda Badan Ee Madaxweyne Siilaanyo Ku Xeeran Oo Si Weyn U Saluugay Hannaankii Muuse Biixi U Soo Bandhigay Tanaasulkiisii Musharraxnimo

Hargeysa:June,24,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhay Qurbejoog.com, waxa kooxa  awoodda Badan ee madaxweyne Siilaanyo ku xeerani ay saluug weyn ka muujiyeen Habkii uu Guddoomiye Muuse Biixi u iclaamiyey Tanaasulkiisii Musharraxnimada madaxweyne-nimada Xisbiga Kulmiye.

aowdKooxdan oo inta badan masuul ka ahaa dagaalkii meesha fog gaadhay ee Guddoomiyaha lagu hayey xilligii  uu ku adkaysanayey  Mawqifkiisa musharraxnimada, ayaa la sheegayaa inay yaraysteen qaabkii uu Guddoomiyuhu Bulshada ugu sheegay inuu ka Hadhay Musharraxnimadiisii.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in kooxdani ay si wada jir ah Madaxtooyada dhexdeeda ugu daawadeen Shirkii Jaraa’id ee Guddomiyaha, iyadoo waliba Qalabka Muqaalka lagu weyneeyo ee Projector-ka Loo Yaqaano lagu xidhay Madaxtooyada dhexdeeda, isla-markaana si Hagar la’aan ah looga Bogtay Hadalladii uu guddoomiyuhu ka yidhi Goobtaas iyo waliba qaabkii uu uga jawaabay Su’aalihii saxaafaddu Halkaas ku weydiisay.

Kooxdan ayaa la sheegayaa inay dhammaantood isku raaceen inaanu Muuse U Hadlin sidii qof masuul ah oo qirtay jab soo gaadhay, balse uu u hadlay sidii qof iska dheel-dheelaya oo aan diyaar u ahayn inuu si masuuliyadi  ku dheehantahay uga fal celiyo heshiiskii uu madaxweyne Siilaanyo la galay ee uu kaga tanaasulay Hankiisii musharraxnimo.

Guddoomiye Muuse Biixi oo horraantii Toddobaadkan qirtay inuu ka Hadhay tartankii uu madaxweyne Siilaanyo kula jirey, ayaanay Haddana Jawaabtiisu qancin taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo oo iyagu iska doonayey inuu sii socdo Dagaalka  Muuse Iyo Silaanyo u dhexeeyaa.

Muuse Biixi ayaa markii uu ka hadlayey tanaasulkiisa aan Hadalkiisa u dhigin qaab ay dadka intiisa Badani Fahmi karaan, waxana uu Tusaaleyaal u qaatay Jab ku dhacay Dalalka Koobka Adduunka ciyaara xilligan oo intoodii awoodda lahayd  si weyn guuldarrooyin  loogu xambaariyey.

Kooxdan ayaa si weyn iyagu uga Biyo diidday Hadallada ay ka midka ahaayeen in Dalalkii Koobka adduunka loo saadaalinayey ee Spain iyo England goor  hore la diray, waxana ay diidmo ka muujiyeen inuu is barbar dhigo cid awood leh oo saadaasha dhinaca Guusha ah lagu daray.

Waxa ay Kooxani isla Goobtii ay fadhiyeen ee ay tanaasulka Guddoomiyaha ku daawanayeen iskula garteen inuu Muuse ahaa nin mar horeba guuldarradiisa arkayey  oo si muuqata loo amba bixiyey sidaas darteedan ay khalad tahay inuu sheegto in cidi u saadaalisay inuu Guulaysan karo sida dalalka spain iyo England oo iyaga loo saadaalinayey inay Guulo keeni doonaan.

Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in xataa kooxdaasi si weyn u diideen Su’aalo qaar ka mid ah warbaahinta madaxa Bannaani weydiiyeen Guddoomiyaha, kuwaas oo laga dhexdhadhan saday hadallo laaxin leh.

Kooxdan awoodda badan ayaa ku faraxsan in Guddoomiye Muuse Biixi uu ogaaday taagdarradiisa, isla-markaana uu Bannnaanka dhigo Dadkii xilliga horeba u muujiyey inay garab taagan yihiin, waxana ay qiraal ku yihiin inuu midho dhalay dagaalkii ay ka dhex beereen Gudaha xisbiga Kulmiye.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed