Kooxda Al Shabaab oo tacadiyo fool xun u geystay dadkii ay ku laayeen Westgate(Warbixin naxdin leh)
Nairobi Sept 28,2013(SDN)-Warar horu dhaca oo ka soo baxaya baaritaano lagu sameeyay dadkii ay laayeen kooxdii weerar ku qaaday Westgate Mall ayaa muujinaya sawiro naxdin leh oo ku saabsan tacadiyo loogeystay intii aan la leyn dadkaasi.
Laheysteyaasha ayaa la deldelay oo indhahana laga saaray,qaar kalena la dhufaanay,qaarna cunaha iyo faraha laga jaray,halka qaar kalena xubnaha jirkooda la jarjaray.
Jariirada the Star la yidhaahdo ee ka soo baxda dalka Kiinya ayaa daabacday xog ay ka soo xigatay mid ka mida dhakhaatiirtii baaritaanka ku sameysay meydadka ayaa sheegay in meydadka gebigoodba lagu xadgudbay.
Halka jariirada Daily Mail ee dalka Britain ka soo baxda lagu shaaciyay in talaagado laga helay caruur meyd ah oo jirkooda weli ay ku taagan yihiin midiyo.
“waxaa la helay meydad lagu deldelay midiyaha hilibka la suro oo saqafka laga soo deldelay,indhihii oo laga saaray,faraha,sanka iyo dhegaha oo laga jaray”sidaa waxa shaaciyay dhakhtar diiday in uu magaciisa u sheego jariirada Star.
Waxaan la xaqiijin in xogo tibaaxayay in ay jireen dumar la kufsaday mudadii ay ku jireen gacanta kooxdii afduubatay Westgate Mall.
Waxaan ilaa iyo haatan la heyn halka ay dad ka badan 70 ruux sal iyo raad dhigeen iyada oo ay dhici kareyso in ay ku aasan yihiin burburka sadeda dabaq ee xarunta ka koobneyd.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com