Kooxda Al Nusra oo Al Qacida ku xiran oo noqotay taugu awooda badan Mucaaridka Syria
London Jan 09,2012(SDN)-Warbixin dhawaan la daabici doono ayaa lagu xusay in kooxda Al Nusra oo Al Qaacida wakiil uga ah dalka Syria ay noqotay ta ugu awooda badan kooxaha dagaalka kula jira xukuumada Syria.
Warbixinta oo ay isku duba riday hay’ada Quilliam Foundation oo xarunteedu London tahay ayaa sheegeysa in dalka Syria ay suurto gal tahay in ay la wareegaan kooxaha xiriirka dhaw la leh AlQacida.
Hogaanka sare ee kooxda Al Nusra ayaan aqoon badan loo lahen waxase la xaqiiyay in ay yihiin saraakiil Al Qaacida uga soo hawlgalay dalal ay ka mid yihiin Afganistaan iyo Ciraaq.
Kooxdan ayaa haatan ah ta qura ee guulo wax ku oola ka soo hoysay dagaalka ka dhanka ah xukuumada Bashaar Al Asad.
Hadii sidaasi dhacdo ayay leedahay warbixintu waxa dunida reer galbeedka soo wejahaya khataro amni oo ka iman doona dalalka carabta ee dhawaanta isbedeladu ka dheceen.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com