|

Kooxa hubeysan oo guddomiye waaxeed ku dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho May 29 2013 (SDN)— Kooxo Bastoolada ku hubeysan ayaa saaka dagmada Yaaqshiid ee gobolka Baanadir waxa ay ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa dagmadaasi.

Ninka la dilayay ayaa lagu macaabaa Beerey Xasan Jeeb waxaana la sheegay in dilka uu ka dhacay Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa shabkadan u sheegay in guddomiye waaxeedka sidoo kale lala dilay Ruux ilaalo u ahaa oo la socday, iyadoo kooxihii dilka geystana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa doowladda ayaa soo gaaray goobta dilka kaddib waxaana la sheegayaa in ay howlgallo ka wadaa oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka ka danbeeyay.

Lama oga cida ka dambeysa dilka loo geestay Beerey Xasan Jeeb oo ahaa Guddoomiyihii laanta Suuq Bacaad ee maamulka Degmada Yaaqshiid.

Laakiin dilalka nuucani oo kala ah ayaa waxaa geysta inta badan Rag xiriir la leh Al shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed