Koox hubeysan oo dil u geystay sarkaal ka tirsan ciimada dalka Kenya
Wajeer May 19 2013 (SDN)— Koox hubeysan ayaa waxa ay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya waxa ay ku dileen Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Sarkaalka sare ee la dilay ayaa waqtiga la tooganayay waxa uu ku sii jeeday gurigiisa sida ay dad goobjoogayaal ah warbaahinta u xaqiijiyeen.
“Dilka daqiiqado kahor ayuu dhacay, waxaana sargaalka xabada ay kaga dhacday madaxa gaar ahaan Isha, waana geeriyooday’ ayuu sheegay goobjooge kusugan Wajeer.
Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amaanka dalkaasi waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo balaaraan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay dilka Sarkaalkaasi sare.
Deegaanada gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa waayadan ka jira falal amaan xumo ah gaar ahaan iska hor imaadyo, qaraxyo iyo weeraro kale oo hubaysan.
SDN-Wajeer