Koobkii Gobolada Punt land oo Gobolka Nugaal La Caraabay
Garowe 22.June 2014 (SDN/QJ)- Xulka Gobalka Nugaal ayaa sanadkii labaad oo isku xigta ku guulaystay horyaalka gobalada Puntland ka dib markii uu Galabta ciyaartii ugu danbaysay uga badiyay laadadka xorta ah Xulka Gobalka Sool.
Labadan Gobal ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jeclaystay waxana daawaneyay madaxwayne ku xigeenka Puntland,labada golle ee dowladda,mamulka Gobalka iyo Kumanaan dadwayne ah kala taageeray Sool iyo Nugaal.
Agaasimaha guud ee ciyaaraha iyo dhalinyaradda Axmed Cabdalle Tigaana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka u qabsoomtan ciyaarta ugu danbaysay ee koobkan wuxuna sheegay labada gobal inay soo bandhigeen ciyaaro wanagsan.
Garoonka Mira Awaare ayaa laga dareemayaa dabaal-dega ay samaynayaan taageerayaasha xulka Gobalka Nugaal kuwaasoo tilmaamaya inay guul muhiim ah ka gaareen ciyaartii galabta.
Captanka Xulka Gobalka Sool Cabdisalaan Axmed Jaamac ”Dhiidhiiyo” ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee ay ciyaartu usoo dhamaatay wuxuna muujiyay inuu kula faraxsan yahay guusha Nugaal maadama ay guushu Gobal un ay raaci lahayd.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Ciise ayaa sheegay inay taariikhi u tahay guusha uu galabta gaaray xulka matalaya Nugaal wuxuna sheegay inuu dadaal xoogan saari doono sidii ciyaaraha Gobalkan loo hormarin lahaa.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com