Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka Iyo Banaabaxyada Ka Aloosan San Paulo Yaa u Kala Miciin ah? (By Jaahuur)
Brazil-11-June-2014-(SDN) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ula haajireyaa xagaa iyo Brazil oo uu koobkii kubadda cagta ee aduunka ka furmi doona barito oo khamiis ah,haddaba mudaharaadada ka socda caasimadda Brazil (San Paulo) maxay saameyn ku yeelan doontaa?
Saaxiibayaal waxaynu ka wada dheregsanahay in koobka kubadda cagta ee aduunka aay ka soo qeybgali doonaan 32-ba dawladood oo ka kala imanaya koonkan ilaahay abuurtey kuna soo wada xaadirey dalka brazil.
Haddaba bilihii aynu soo dhaafney waxaa hadheeyey Brazil banaabaxyo aay dhigayeen shaqaalaha iyo shicibkuba iyaga oo ka cabanayaa dhaqaalaha fara badan ee ku baxya koobka aduunka iyo mushaharka oo ku yar iyo xaafadaha lagu iibiyo mukhaadaraadka oo aay dawladdu cagta marisey.
Waxa kale oo xusid mudan shaqaalihii Treenada oo shaqadii joojiyey iyo dadweynaha oo ka cabanaya Tigidhada garoomada lagu gali doono oo qaali laga dhigey,haddaba waxaasoo dhan maxay saameyn ku yeelan doontaa tartankan koobka kuabadda cagta ee aduunka ka furmi doona Brazil.
Intaa haddii aaynu ka soo gudubno waxaa dabaal degga kabacdi ciyaarta ugu horeysa ee lagu furidoono madaxa isla gali doona Brazil iyo Croatia,Afrikana waxaa uga qeybgali doona ,Ghana,Nigeria,Cameroon,Algeria iyo Ivery Coast.
SDN-waxay idika haqabtri doontaa maalin kasta kolba halka aay ciyaaruhu marayaan haddii uu ilaahay ka dhigo ee daawasho wacan.
W/ qorey Jaahuur
SDN
jjaahuur@hotmail.com