Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay danta ay ka leeyihiin maalin doorasho ah oo ay tijaabo ahaan u qabanayaan
Hargeysa 08, May 2012 (Qurbejoog.com)- Komishan Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday shalay inay dalka ka qaban doonaan doorasho aan rasmi ahayn oo tijaabo ah si loo ogaado muddada qofku codayn karo, tirada goobaha doorasho ee loo baahan yahay iyo kharashka ku baxaya doorashooyinka goleyaasha degaanka ee soo socda, maadaama la sharciyeeyey in doorashooyinka dawladaha hoose ku salaysnaadaan in murrashax kasta gaar loogu codeeyo.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Maxamed Yuusuf (Xamari) oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey shalay furitaanka xarun cusub oo loo dhisay Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxa kaloo uu tilmaamay inay maalinta qabsoomidda doorashooyinka degaanka ku dhawaaqi doonaan marka la qabto maalin doorasho oo tijaabo ah, isla markaana laga fara xasho sixitaanka qodobo qaarkood dhinaca sharciga la xidhiidhaan oo weli qabyo ah, balse aannu carrabaabin. “Doorashadii golayaasha degaanka ee sannadkii 2002, waxa lagu galay liis xidhan oo la dooranayo ururka, laakiin iminka waxa loo beddelay in la doorto qofka. Qaabka aannu ku shaqayn doonnaa wuxuu wax ka beddelay qiimayntii aannu qiimayn lahayn. Waannu hadda ku talo jirnaa annagoo sugayna ururrada soo baxaya iyo xisbiyadii hore, iminka sagaal baannu haynaa; lix soo baxay iyo saddexdii xisbi ee hore. Waxaannu hadda ku talo-jirnaa inaannu samayno qorshe aannu ku garan karno muddada qofku ku codayn karo iyo qaabka loo dhigayo. Waxaannu jecel nahay inaannu samayno maalin doorasho oo tijaabo ah, dabadeedna halkaas nooga soo baxdo muddada ay ku qaadan karto, goobaha loo baahan yahay iyo kharashka ku bixi kara intaba. Intaa kadib markaannu intaa helno waxa jira iyaduna qabyo dhinaca sharciga la beddelay ah oo u baahan in lagu celiyo iyada lafteeda. Markay hawlahaasi noo soo dhammaystirmaan ayaannu haddii Ilaahay yidhaa ku dhawaaqi doona waqtiga doorashada, waxaanaan ku rajo waynahay inaannu sida ugu dhaqsaha badan daraasaddaas iyo hawlahaas u dhammayno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.
Md. Ciise Xamari waxa uu tilmaamay in qorashoodii hore ee ay doorashadda ugu tallogaleen ahaa inuu noqdo mid liis xidhan ah oo ururka loo caddaynayo, balse ay arrintaasi is beddeshay, kadib markii sida uu sheegay qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland aad u jeclaadeen in habkii liistada lagu beddelo doorasho qofka murrashaxa ah toos loogu coddaynayo, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi. “Haddaan in yar ka taabto waxyaabaha Daggles ka hadlay iyo qaabka uu ahaa doorashooyinkan innagu soo fool leh markii hore, liiskii aynu ku galnay 2002-dii iyo siday isu soo beddeshay iyo sida la wada jeclaystay hadday sharci-dejinta tahay, dadkii Somaliland aad u wada jeclaysteen sida golayaasha in golaha degaanka shaqsiga la doorto oon ururka la dooran, taas oo ay u doorbideen in dad tayo leh ku soo bixi karaan. Waxaannu kula dardaarmaynaa ururrada cusub qof la soo doortay iyo liis lagu soo baxay tayada ma soo saari karaan; tayada marka hore ayaad dooranaysaan oo soo xulanaysaan ee dad tayo leh ummadda u soo xula,” ayuu yidhi Eng. Xamari.
Jamhuuriya