|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Beeniyey inuu Madaweynuhu Kala Diray, Kana Hadlay Macnaha Waraaqdii Madaxweynuhu Soo Saaray

Hargeysa:Aug,31,2014(SDN/QJ)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Go’aankii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo kaga dhawaaqay in Hay’adaha kala duwan ee qaranku ay u diyaar garobaan sidii ay u soo magacaabi lahaayeen Xubnihii ay komishanka ku lahaayeen, taasoo muujisay in xilligii komishankani soo dhamaaday.

geelleGuddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inay Haboonayd in la daayo komshinkan, maadaama ay gacanta ku  hayaan Hawlo muhiim ah oo ay diiwaangelinta Codbixya-yaashu ka mid tahay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay sii shaqayn doonaan ilaa inta kumiishan cusub lasoo magacaabayo,oo iyaga badala.

“Xilkasta oo qaran waxa uu leeyahay mudo,taas oo uu ka mid yahay kumiishanka doorashooyinkuna,waxaana la doortay shan sano inaanu hayno xilka,waxaana uu ku eegyahay Mudadii Xilkayagu bisha aktoobar ee soo socota 29keeda,sidaad la socotaan Kala dirista kumiishanka doorashooyinku waxa uu kusoo hagaagay xil ay socoto hawl culus oo adagi taas oo uu kumiishanka doorashooyinku gacanta ku hayo,oo ah diwaan galintii cod bixiyayaasha iyo doorashooyinkii oo loo sii diyaar garoobayo ay ka mid yihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Waxa uu tilmaamay in taladii mucaaridka iyo muxaafidku ahayd in komishan cusub la sameeyo iyo in midkan haatan shaqeeya la beddello, balse markii dambe la go’aamiyey in la kala diro kuwan haatan jooga, waxana uu yidhi

“Marka la arkay wakhtigii oo dhamaaday,Talada guud ee asxaabta mucaaradka iyo xukuumaduba iyo qadhaan bixiyayaashuba is waydiiyeen waxa ay ahayd,in kumiishan la magacaabo am igaba lasii daayo,taas oo markii danbe go’aan madaxwaynaha somaliland ka gaadhay,Markaas warqada uu madaxwaynaha somaliland soo saaray ee uu uqoray Dadkii soo magacaabayay Kumiishanka,Kumiishankana waad ogtihiinoo,meelo kala duwan ayaa laga soo magacaabaa.”

Maxamed Axme Xirsi Geelle, waxa uu sheegay inanay jirin warqad lagu kala diray oo lagu gunaanaday Shaqadoodu, balse uu madaxweynuhu Axsaabta mucaaridka iyo cidda kale ee ay khusaysaba ogaysiiyey inay soo magacaabaan Xubnahoodii,  “Madaxwaynaha somaliland waxa uu magacaabaa Saddex Xubnood,Guurtidu Laba xubnood ayay magacawdaa,Labada xisbi mucaarad iyaguna midba xubin ayuu soo magacaabaa,sida uu xeerkeenu hada uu yahay,Markaas warqada uu madaxwaynahu uu qoray sidaas ayay tahay,Waana ay banaan tahay inuu kumiishanki hore lasoo celiyo iyo in mud cusub hada la keensado,Lakiin anaga warqada nalagu kala diray Haba yaratee ma jirto.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan soo saaray waraaqo uu axsaabta mucaaridka ku ogaysiinayo inay soo magacaabaan xubnaha uga mid noqon doona komshin cusub oo dhawaan la samayn doono, mana jirto cid aragtay warqadda lagu kala diray komishankan hore u shaqayn jirey oo wali kusii guda jira shaqadoodii.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed