|

“Komishanka Doorashooyinka shaqadoodu ma aha diiwaangelin oo kaliya, waxana looga fadhiyaa inay soo saaraan jadwal dhamaystiran oo ah jadwalka” Xil. Buubaa

Hargeysa:Mar,16,2015(SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu baaqay inay si degdeg ah u sameeyaan Jadwalkii Doorashooyinka dalka ka muddaysan iyo Waliba Xiliga rasmiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyayaashu  bilaabanayo iyo wakhtiga ay dhamaanayso.

jeecMudane Buubaa oo maanta warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay inaanay shaqada Komishanku ahayn kaliya Diiwaangelin, balse ay tahay samaynta Doorasho dalka ka hirgasha,

“Komishanka Doorashooyinka shaqadoodu ma aha diiwaangelin oo kaliya, waxana looga fadhiyaa inay soo saaraan jadwal dhamaystiran oo ah jadwalka codbixixiyayaasha.”ayuu yidhi Mudane Buubaa.

Xildhibaanku waxa uu Xukuumadda ku eedeeyey inay dib udhaca doorashada iyadu masuul ka tahay, waxana uu ka digay in  lagu abaalmariyo muddo-kordhin sida uu sheegay aan lahayd Shuruucdii sharciga ahayd, waxana uu yidhi,

“Doorashada xilligeedii dhaafaysa waxanau  aragnaa xilgudasho la’aan xagga xukuumadda ah, mana aha in lagu abaalmariyo muddo kordhin xukuumad xilkeedii gudan kari weyday, sanad walbana kuma jiri karno muddo kordhin aan duruufihii sharcigu sheegay waafaqsanayn, xukuumadduna shan sano ayaa looga fadhiyey inay agabkii doorashada ku dedejiso.”

Mudane Buubaa, ayaa ku baaqay in ka hor inta aan la gaadhin  Bisha Afraad ee Sanadkan loo baahan in talo qaran la iskugu  yimaaddo, waxana uu hoosta ka xariiqay in xeerkii doorashada Golaha Wakiilladu uu diyaar yahay, waxana uu yidhi,

“Bisha afraad dhamaadkeeda waa in talo qaran la iskugu yimaadaa oo doorashadaas xukuumaddu  fashilantay wixii laga yeeli lahaa laga wada Hadlaa, Shacabkana waxanu u sheegaynaa in xeerkii Golaha wakiillada lagu soo dooran lahaa uu  yaallo, marmarsiiyona ma noqon karo xeerkii Golaha lagu soo dooran lahaa  baan jirin oo doorashadu dib u dhacaysaa.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed