Komishanka Doorashooyinka oo sheegay inay Xukuumaddu shubtay saamiga ay ku darayso kharashka doorashada Deegaanada Somaliland
Hargeysa 8, July 2012 (SDN)- Gudida Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyay inay soo gaadhay saamigii xukuumada Somaliland u qoondaysay doorashada Golayaasha Deegaanka oo lagu wado inay dabayaaqada sannadkan qabsoonto.
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geele) oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu tilmaamay in Kharashkii dhamaa 25% ee ahaa saamigii Xukuumada ee doorashada golaha Deegaanku in lagu soo shubay Xisaabta ay ku leeyihiin Baanka Somaliland. Afhayeenka Komiishanku waxa uu sheegay inay Qaadhaan bixiyayaasha inaga taageera geedi socodka dimuquraadiyada ay ka sugayaan Boqolkiiba Shan iyo Todobaatanka soo hadhay isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in sida ugu dhakhsaha badan ay u soo ajiibaan dalabkooda.
Maxamed Axmed Xirsi (Geele) waxa uu ka hadlay xilliga ay cayimi doonaan qabsoomida doorashada golayaasha Deegaanka, waxaanu iftiimiyay in marka ay helaan dhaqaalaha ay ka sugayaan Qaadhaan-bixiyayaasha ay shaacin doonaan maalinta rasmiga ah ee doorashadu qabsoomi doono. Afhayeenku waxa uu intaas ku daray, in Wefti ka socda Komiishanka Doorashooyinka Qaranku ay markaas kadib u ambo bixi doonaan Gobolada dalka si ay xafiisyadooda uga soo furtaan .
Doorashada Golaha Deegaanka ayaa dib-u-dhacyo badani ku yimaadeen, iyadoo la doortay golayaasha haatan jooga dabayaaqadii bishii Decenbar 2002, isla markaana uu muddo-xilleedkoodu ahaa shan sannadood.
Goleyaasha Deegaanka hadda jooga, waxay muddo-kordhin ay Guurtidu u samaysay kaga ekayd 6-dii April 2012.
Qurbejoog.com, Hargeysa