Koffi Anaan oo Kiinya u diray Baaq Doorashooyinka ku Wejahan
Nairobi Feb 24,2013(SDN)-Xoghayihii hore ee qaramada midoobay Mr. Koofi Anaan ayaa manta u diray madaxda iyo siyaasiyiinta dalka Kiiniya dhambaal uu kaga dalbanayo in doorashada guud ee dalka ka qabsoomi doonta toban cisho ka dib ay si xor iyo xalaal ah u dhacdo .
Dhambaalkan uu soo diray Mr. Koofi Anaan waxa uu intaasi ku daray digniin uu ujeedinayo umada dalkaasi oo dhan , in aan dalka dib loogu celin ayaamihii madoobaa ee xasuuqa badani dalka ka dhacay markii lagu murmay doorashadii guud ee labadii kun iyo todobadii dhacday .
Geesta kale , Mr. Anaan ayaa hormaad ka ahaa xalinta murankii siyaasadeed iyo dajinta xaalada murugsan ee dalkaasi ku timid doorashadii hore ka dib , taas oo u dareemay Mr. Koofi Anaan xaalad kacsanaan ahi ka dhex aloosan tahay garabyada xusibiyada waa weyn ee dalkaasi imika , iyadoo la helay waraaqo loogu hanjabayo madaxda garsoorka dalkaasi iyo siyaasiyiinta caan ah .
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com