Kobe Bryant(La Lakers) Ebed Ugu Da’yar Dhaliyey 30,000 Dhibcood.
Los-Anegels-Dec-06-2012-qurbejoognews.com-Asxaabtay qubanaheena ciyaaraha waxeynu maanta ku jibaxeynaa xiddiga reer La-Lakers KOBE BRYANT oo calafsadey laacibka NBA-da ugu yar oo dhaliyey (30’000) oo dhibcood.
Kobe oo u baahnaa 13-an dhibcood uu ku gaadho (30-000 )-oo dhibcood waxayna riyadaasi u rumoodey xalay ciyaartii ay la yeesheen kooxda New Orleans ugana badiyeen 103-87,waxaana rikoodhkan horey u dhigay,Kareem Abdul Jabbar,Karl Malone,Micheal Jordan,Wilt Chamberlain iyo Kobe Bryant oo ku soo biirey.
Haddaba laacibkan oo taariikh sameeyey waana xiddigii EBED ugu yaraa oo 34-jir ah oo xqiijiyey inuu ku biiro xiddigahaa aynu soo magacaabney.
Runtii ma garanayo wali sababta aan xoog ugu ciyaarayo sidii anigoo 17-jir ah, waana sida aan ugu kalsoonahay nafteyda,sannad walba,maalinkasta tababar adag qaato waana ta ii sahashey inaan horumarkaa gaadho.
Akhyaartay 4-taa xiddigaha ah markii ay dhaliyeen dhibcahaa faraha badan ee 30’000,Kobe wuxuu noqdey laacibkii ugu yaraa oo ku soo biira akhyaartaa isaga oo 34-jir ah.
W/qorey Jaahuur
qurbejoognews.com