Kismayo oo xalay la weeraray ciidamada Kiinya iyo qarax lala beegsaday raaskaanbooniyiinta
Kismaayo July 14,2013(SDN)-Magaalada kismaayo ayaa ilaa xalay qasan ka dib kolkii ay halkaasi ka sheen falal amniga ka dhan ah iyada oo reer Kismaayo ay soo wejahday werer Ku saabsan amaankooda.
Habeenimadii xalay ayaa lagu baraarugay deryenka rasaas ka dheceysay garoonka duyuuradaha Kismaayo.
Halkaa oo xarun ciidan u ah ciidamada dalka Kinya ee magaalada Kala wareegay kooxda Al Shabaab.
Ma cada cida weerartay ciidamada Kiinya waxaase magaalada aad looga dareemay hub culus oo la siku weedaarsaday aaga Garoonka.
Maantana waxa Qarax gudaha magaalada lagula beegsaday ciidamada Raaslaambooni oo daacad u ah maamulka Jubaland ee rafiiqa la ah ciidamada Kiinya.
Weerarkaa oo qudhiisu khaqasaare ka dhashay ayaan faahfaahin lga heyn,isla markaana aaney jirin cid sheegatay.
Maamulka Jubaland iyo Ciidamada Kiinya ayaan weli ka hadal dhacdooyinka u danbeeyay ee khalkhalka geliyay magaalada Kismaayo.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com