|

Kismayo: Nuxurka Qoddobada lagu Wado In Maanta Lagaga Wada Hadlo Kulan DFS iyo Maamulka Jubba Yeelan Doonaan Oo Ethiopia Dhexdhexaadinayso

Kismayo:13-April-2014(SDN)-Dhegaha iyo Indhaha Shacabka Reer Kismayo, ayaa ku Foorara, waxyaabaha ay Ka Wada Hadli Doonaan Ra’isal Wasaare Cabdiweli oo Haatan Halkaas Ku Sugan iyo madaxda maamulka Jubba land.

dheeeeSida ay sheegayaan wararka aanu ka Helayno magaalada Kismayo waxa Bilaabmay wada hadalkii u dhexeeyey labada dhinac, iyadoo dawaldda Ethiopia-na ay dhexdhexaadiyo ka tahay Gorfaynta labada dhinaca dhex mari doonta.

Qoddobada lagu wado in  kulamada ay maanta labada dhinac yeelan doonaan  lagaga wada hadlo, ayaa waxa ugu wixii ka qabsoomay heshiiskii Addis Ababa lagu gaadhay 27 bishii Augost, iyo sidoo kale soo xaraynta Ciidamadda duleedka magaalada ku sugan oo Dawaldda ku-meel-gaadhka ahi ay si weyn uga biyo diidsan tahay.

 

Qoddobada kale ee wada hadalkan maanta labada  Dhinac dhex maraya xuddunta u noqon doona, ayaa wax aka mid noqon doona soo wareejinta Dekedda iyo Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Kismayo oo heshiiskii Addis Ababa dhigayey in muddo lix bilood ah lagu soo Wareejio, taas oo aan la garan Karin sida maamulka Jubba oo cabashooyin badan qabaa uu u aqbali doono.

Dhanka kale waxaa xubnaha wafdiga kamid ah Safiirka dawladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya waxaana uu dhex dhexaadin doonaan xubnaha labada dhinac si haddii la isku afgaran waayo qodobada qaar uu xal uga gaadho,

Maamulka Axmed Madoobe, ayaa iyagu dhinacooda maanka ku haya hagardaamooyin badan oo ay ka tirsanayaan Dawladda federalka ah, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin inay Muqdisho ku soo ururisay Kooxo Maamulkani xoog kagala wareegay Talada Kismayo, kuwaas oo ay tuhunsan yihiin in la doonayo in xukunka dib loogu soo celiyo.

Si kastaba ha ahaatee, wali waxa laga dhursugayaan bal halka uu ku dhamaado wada hadalkan u bilaabmay labada dhinac, waxana la sugayaa natiijada soo bixi doonta iyo sida loogu qanci doono.

 

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed